Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay, xafiiskiisa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir-guddoomineysay Xoghayaha Guddiga, Xildhibaan Cadar Cali Maxamed.
Kulanka ayaa looga dooday xeerarka Kala ah Xeerka Reebidda Gudniinka Fircooniga ah ee Dheddiga, Xeerka Arrimaha Qoyska iyo Xeerka Xuquuqda Carruurta, waxaana inta uu socday kulanka laga akhriyey ilaa 15-cutub, iyadoo la isku raacay in maalinta sabtida ah lasii amba qaado Akhrinta iyo ka doodista cutubyada harsan, si loo dhameystiro dib-u-eegista xeerarkan loona marsiiyo habraacyada sharci-dejinta.
Xoghayaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cadar Cali Maxamed oo kulanka soo xirtay ayaa adkeysay muhiimadda ay leedahay sii wadista shaqada Guddiga ee ku aaddan dhammaystirka xeerarkan muhiimka u ah ilaalinta xuquuqda haweenka, carruurta iyo qoyska Soomaaliyeed.
DHAMMAAD.

