Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Munaasabadda “ECCELLENZE 2026”, oo macnaheedu yahay “Waxqabadka Heerka Sare ee 2026”, laguna qabtay xarunta Baarlamaanka Talyaaniga, ayna ka qaybgaleen madax sare oo ka tirsan Dowladda Talyaaniga, ayaa lagu soo bandhigay xiriirka sii horumaraya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Munaasabaddan, oo ay sidoo kale ka qaybgaleen Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga, Danjire Khaalid Macow Cabdulqaadir, iyo Agaasimaha TV-ga Qaranka, Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar, ayaa si gaar ah loogu soo qaatay horumarka laga sameynayo dhinacyada dhaqanka, isdhexgalka bulshada iyo waxbarashada.
Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu xusay kaalinta ay warbaahinta labada dal ka qaadato horumarinta iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Ugu dambayn, waxaa billado sharaf la guddoonsiiyey halyeeyadii sannadka ee loo aqoonsaday inay qabteen adeegyo bulsho oo muuqda, iyadoo Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga si gaar ah loogu abaalmariyey kaalinteeda ku aaddan xoojinta xiriirka labada dal.

