Dowladda Uganda oo qirtay in Soomaaliya ka wayn tahay laba jibaar dalkeeda.

Talaado 20 Oct 2026 {HMC} Dowladda Uganda ayaa qirtay in Soomaaliya ka wayn tahay laba jibaar dalkaasi, isla markaasna aan la iska indha tiri karin goobta Juquraafi ee ku taallo iyo Xeebaha kheyraadka ka buuxo.

“Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxay ku taallaa xeebta Badweynta Hindiya, waana goob istaraatiiji ah oo isku xirta Bariga Afrika, Jasiiradda Carabta iyo suuqyada caalamiga ah” ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda oo shaacisay in ay berri shir looga hadlayo Dhaqaalaha la yeelan doonto Soomaaliya.

“Ma ogtahay in Soomaaliya ay dhul ahaan ka wayn tahay Uganda in ka badan 2.6 jeer, isla markaana ay leedahay dad lagu qiyaaso 19.7 milyan iyo xeeb dhererkeedu gaarayo 3,333 km?

Caasimadda Soomaaliya,tahay Muqdisho, waxay ku taallaa xeebta Badweynta Hindiya, iyadoo dalka ku yaalla meel juqraafi ahaan muhiim ah oo isku xirta Bariga Afrika, Jasiiradda Carabta iyo suuqyada caalamka.

Dadka Uganda, fahamkooda Soomaaliya waxa uu ka gudbay wararka warbaabinta, waxa uuna eegayaa dadka, suuqyada, juqraafiyadda iyo xiriirrada ganacsi ee dalka.

Xeebta Soomaaliya oo dhererkeedu yahay 3,333 km waxaa ku yaalla afar dekedood oo waaweyn oo ganacsi: Muqdisho, Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo, marka laga yimaado dekedo kale oo yaryar oo ku teedsan xeebaha. Dekedahan, oo ku kala yaalla Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, waxay isku xiraan bulshada, ganacsiga iyo suuqyada gobolka iyo kuwa caalamka.

Uganda oo ah dal aan bad lahayn, fahamka muhiimadda dekedaha Soomaaliya wuxuu ka caawin karaa in la aqoonsado waddooyin cusub oo loo maro dhoofinta badeecadaha, xoojinta silsiladaha sahayda iyo kobcinta fursadaha ganacsi ee gobolka”

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Isku Dhiibeen TPLF, Xilli uu Dagaalku Xoogeysanayo.

Talaado 20 Oct 2026 {HMC} Ninkii Abye Ahmed ahaa Caawa xaalku waa ku xun yahay, waayoo dhamaan Ciidamadii iyo hubkii uu u diray soo...