Barack Obama oo si adag u difaacay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinka maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ka qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar, isagoo ku tilmaamay isku day lagu beegsanayo qof sababo la xiriira aragtideeda siyaasadeed.

“Waa mabda’ aasaasi u ah dimuqraadiyadda Mareykanka in dowladdu aysan si gaar ah u beegsan karin qof sababo la xiriira fikirkiisa siyaasadeed ama waxa uu sheegayo,” ayuu Obama yiri. Wuxuu intaas ku daray in tani ay tahay waxa uu aaminsan yahay in maamulka Trump uu hadda ku sameynayo Ilhaan Cumar.

Obama ayaa sheegay in Ilhaan ay Mareykanka timid iyadoo 12 jir ah, isla markaana ay 17 jir ahayd markii aabbaheed uu qaatay dhalashada Mareykanka. Sida uu sheegay, taas ayaa keentay inay si toos ah u hesho dhalashada iyadoo weli aan 18 jir gaarin.

Wuxuu sheegay in maamulka Trump uu hadda isku dayayo inuu su’aal geliyo dhalashadeeda, iyadoo lagu saleynayo sheegasho ah inay 18 jir ahayd xilligaas. Obama wuxuu sheegay in eeddaas aan weli caddeyn loo hayn.

Isagoo ka hadlayay baaritaanka gurigeeda iyo la wareegidda telefoonkeeda iyo dukumentiyo gaar ah, Obama wuxuu yiri: “Awoodda buuxda ee dowladda federaalka ayaa loo adeegsanayaa mas’uul la soo doortay oo sharciga dhowraysa, sababtoo ah waxay ku dhiirratay inay dhaliisho madaxweynaha.”

Obama ayaa ugu dambeyn ka digay in arrintan aysan ku koobnayn Ilhaan Cumar oo keliya. Wuxuu sheegay in haddii beegsiga siyaasadeed uu noqdo wax caadi ah, mustaqbalka madaxweynayaal ka socda labada xisbi ay sidaas oo kale ugu adeegsan karaan awoodda dowladda dadka ay siyaasadda isku hayaan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

NATO oo Diyaarado Dagaal u Dirtay Hawada Lithuania Kadib Drone la Arkay.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} NATO ayaa Axadda maanta ah hawada gelisay diyaarado dagaal, kaddib markii wax loo maleynayo in ay ahayd drone ay...