Mareykanka oo Dalbaday in La Xiro Dadkii Weeraray Sawir-qaadaha Washington Post ee Daanta Galbeed.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Safiirka Mareykanka u fadhiya Israel, Mike Huckabee, ayaa dalbaday in la xiro oo sharciga lala tiigsado dadkii weeraray sawir-qaade Mareykan ah oo ka tirsan Washington Post, xilli ay war ka diyaarineysay Falastiiniyiin saytuun ka guranayay deegaanka Abu Falah ee Daanta Galbeed ee dhulka lahaysto ee Falastiin.

Sawir-qaadaha oo lagu magacaabo Heidi Levine ayaa dhaawac culus kasoo gaaray weerarka. Huckabee ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday wariye aan hubeysneyn uu ahaa mid aad u daran, islamarkaana Yuhuudda deegaameynta wada ee ka dambeeyay ay mudan yihiin inay sanado xabsi ah galaan.

Mareykanka ayaa dalbaday in weerarka si buuxda loo baaro, lana soo qabto dhammaan dadkii ka qeyb qaatay si sharciga loo horgeeyo.

Booliska Israail ayaa sheegay inay baarayaan dhacdada, balse ilaa hadda lama shaacin cid loo xiray.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay Daanta Galbeed ku soo badanayaan weerarrada Yuhuudda deegaameynta wada ay ku qaadayaan Falastiiniyiinta, gaar ahaan xilligan oo lagu jiro goosashada saytuunka, iyagoo mararka qaar geedaha gooya ama gubaan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

NATO oo Diyaarado Dagaal u Dirtay Hawada Lithuania Kadib Drone la Arkay.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} NATO ayaa Axadda maanta ah hawada gelisay diyaarado dagaal, kaddib markii wax loo maleynayo in ay ahayd drone ay...