Ciidamo Itoobiyaan ah oo Isku Dhiibeen TPLF, Xilli uu Dagaalku Xoogeysanayo.

Talaado 20 Oct 2026 {HMC} Ninkii Abye Ahmed ahaa Caawa xaalku waa ku xun yahay, waayoo dhamaan Ciidamadii iyo hubkii uu u diray soo af jaridda awoodda TPLF iyo jabhadaha kale ee Isbaheysiga ah ee ka soo horjeeda maamulkiisa ayay wararku sheegayaan iney noqdeen wax is dhiibay, wax xiriirkooda la waayay iyo wax go’doonsan oo aan rajo badan laga qabin iney soo badbaadi karaan.

RW Abye Ahmed, oo meeshii laga saraa aaney dhiig laheyn islamarkaana rumeysan in la shirqoolay ciidamadiisa, ayaa eedda ugu weyn waxa uu dusha ka saaray Madaxda iyo Saraakiisha Tigreega ah ee garab kiisa ah oo iyagu hogaaminayay weerarkii balaarnaa ee lagu qaaday Gobolka Tigreega.

Col Abye ayaa in ka badan 40K oo ciidamo ah u diray Gobolka Tigree, Amxaarada iyo xuduudda Eritrea 🇪🇷 si uu u wiiqo awooddaha ciidan ee jabhadahan, kadibna uu uga dhabeeyo balanqaad kiisii ahaa in Ethiopia ay Badda Cas gaari doonto, hase yeeshee dagaalo qaraar oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay deeganadaas ayaa wax walba bedelay meeshana ka saaray qorshihii & damacii RW Abye Ahmed uu ka lahaa weerarkaan.

NB/- Sawirkan hoose waa 44 Sarkaal oo iyaga iyo ciidamadoodiiba ay shalay isku dhiibeen jabhadda TPLF kadib markii la hareereeyay looguna baaqay haddeey nolol rabaan iney isi soo dhiibaan haddii kale yaa weylak. Ciwaan kooban

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladdaha Qatar Turkiga Pakistan iyo Indonesia oo Heshiis ku Gaaray Dhismaha Warshado Hub.

Arbaco 21 Oct 2026 {HMC} Dalalka Qatar, Turkiga, Pakistan iyo Indonesia ayaa maanta magaalada Doha ku gaaray heshiis ay ku hirgelinayaan warshado difaac oo...