Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday guddoomiye ku xigeennadii maaliyadda, siyaasadda iyo amniga gobolka Hiiraan.
Kadib markii uu tixgaliyay in muddo-xileedkii dastuuriga ahaa ee madaxda sare ee dowladgoboleedku uu dhammaaday,
Kadib markii uu qiimeeyay marxaladda kalaguurka ah iyo khilaafka siyaasadeed ee ballaaran ee ka taagan qaabkii looga gudbi lahaa,
Kadib markii uu tixgeliyay xaqiiqda ah in madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Cali Guudlaawe Xuseen uu yahay musharrax u hanqaltaagaya inuu mar kale xilka kusoo noqdo,
Wuxuu xeeriyay:
1- Xil-kaqaadista la sheegay in lagu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed (Carab) waa waxba kama jiraan baalmarsan xeerarka dalka. Madaxweynaha xilku ka dhammaaday, isla markaana ah musharraxa ma haysto sharciyad uu ku magacaabo ama ku beddelo guddoomiye gobol, iyadoo ayna arrintaasi sii dheer tahay khilaafka siyaasadeed ee ballaaran ee ka taagan marxaladdaMadaxweyne kalaguurka.
2- Wuxuu farayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed (Carab) inuu howlihiisa shaqo u guto si habsami leh waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka, xilkana haayo inta heshiis buuxa laga gaarayo arrimaha la xiriira marxaladda kalaguurka iyo sharciyadda, uusanna ku dhex milmin dhinacyada danaynaya doorashooyinka dowladgoboleedka.
3- Wuxuu farayaa dhammaan xubnaha maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Hiiraan inay la shaqeeyaan guddoomiyaha, iyadoo ciddii amarkaa jebisana laga qaadi doono tallaabo nidaamka waafaqsan.
4- Wuxuu farayaa dhammaan laamaha amniga inay guddoomiyaha garab ku siiyaan gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday.


