Talaado 20 Oct 2026 {HMC} Wasiirada Haweenka iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Marwo Sahro Ahmed Osman ayaa kulan la qaadatay Safaaradda Denmark ee Soomaaliya. Kulanka wuxuu ku saabsanaa xoojinta iskaashiga iyo taageerada haweenka.
Wasiir Sahra ayaa u Mahad celisay dowladda iyo shacabka Denmark taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Koonfur Galbeed, gaar ahaan horumarinta bulshada iyo xoojinta haweenka.
Wasiirada ayaa waxay sheegtay in Haweenka wajahayaan saboolnimo, fursado yari dhinacyada dhaqaalaha, Waxbarashada iyo ka qeybgalka siyaasadda.
Wasiirada waxey codsatay in laga taageero xirfadaha, awoodsiinta dhaqaale, waxbarashada gabdhaha, caafimaadka hooyada iyo ilmaha, iyo xoojinta hay’adaha difaaca haweenka.
Safaaradda Denmark soo dhaweysay kulankaan, waxay ballan qaadday inay sii wadi doonaan taageeradooda bulshada Soomaaliyeed.

