NATO oo Diyaarado Dagaal u Dirtay Hawada Lithuania Kadib Drone la Arkay.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} NATO ayaa Axadda maanta ah hawada gelisay diyaarado dagaal, kaddib markii wax loo maleynayo in ay ahayd drone ay soo gashay hawada Lithuania, gaar ahaan waqooyiga dalka oo ku dhow xadka Latvia.

Wasiirka Difaaca Lithuania Robertas Kaunas ayaa sheegay in diyaaradaha NATO ay la socdeen drone-ta markii lagu arkay degmada Biržai, balse ugu dambeyn laga waayay raadaarka. Ciidamada ayaa goobta ka bilaabay baaritaan lagu raadinayo halka ay ku dambeeysay.

Ciidamada Latvia ayaa dhankooda sheegay in diyaaradaha NATO aysan soo ridin sheyga loo maleynayo inuu ahaa drone, islamarkaana ay suuragal tahay in ay si iskeed ah u qaraxday. Si kastaba, weli si rasmi ah looma xaqiijin inuu ahaa drone iyo halka laga soo ganay.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo bilihii dambe ay soo badanayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxo kale oo gala hawada dalalka NATO ee dhaca bariga Yurub. Qaar ka mid ah dhacdooyinkan ayaa lala xiriiriyay dagaalka Ruushka iyo Ukraine, balse dhacdadan cusub ilaa hadda cid gaar ah looma aaneyn.

Bishii September, Lithuania waxaa hawadeeda u galay drone laga soo ganay dhanka Belarus, taas oo diyaaradaha NATO ay soo rideen. Dowladda Lithuania ayaa markaas sheegtay in dagaalka Ukraine uu kordhinayo khatarta ah in shilal ama duullimaadyo noocan oo kale ahi ka dhacaan xuduudaha NATO.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Barack Obama oo si adag u difaacay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinka maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ka qaaday...