Wasiirka Amniga Gudaha oo Kormeeray Garoonka Aadan Cadde, Kana Shir Guddoomiyay Xoojinta Amniga.

Talaado 20 Oct 2026 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kormeeray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, isagoo guddoomiyay shirkii shanaad ee lagu xoojinayay amniga iyo wada-shaqeynta hay’adaha ka hawlgala garoonka.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray isku-duwidda hawlaha hay’adaha, hagaajinta adeegyada iyo dardargelinta qorshaha banneynta xarumaha ku dhow garoonka ee la qorsheeyay in la raro ama la dumiyo.

Wasiir Fartaag ayaa ku adkeeyay hay’adaha muhiimadda ay leedahay sugidda amniga garoonka, badqabka rakaabka iyo tayeynta adeegyada, isagoo xusay in Garoonka Aadan Cadde yahay wejiga Soomaaliya iyo marin muhiim u ah dalka.

Kormeerka waxaa Wasiirka ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS iyo mas’uuliyiin kale.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Uganda oo qirtay in Soomaaliya ka wayn tahay laba jibaar dalkeeda.

Talaado 20 Oct 2026 {HMC} Dowladda Uganda ayaa qirtay in Soomaaliya ka wayn tahay laba jibaar dalkaasi, isla markaasna aan la iska indha tiri...