Dowladda Pakistan oo Iiraan u Gudbiyay Soo Jeedin looga Hortagayo Dib-u-bilaabashada Dagaalka.

Talaado 20 Oct 2026 {HMC} Taliyaha guud ee ciidanka Pakistan,Jen. Asim Munir oo maanta tegay Tehran ayaa Iiraan u bandhigay heshiis looga hortaggo dagaal dib u qarxa ka hor doorashada Maraykanka.

Maraykanka ayaa doonaya inuu Iiraan ku qanciyo inay tanaasul ka samayso barnaamijkeeda nukliyeerka, isla markaana ay si buuxda dib ugu furto marin-biyoodka Hormuz.

Soo jeedinta uu Jen.Asim Munir u geeyay Iiraan ayaa la sheegay inay ka kooban tahay:
•Iiraan oo heli doonta faa’iido dhan 6 bilyan oo doollar oo ka mid ah lacagteeda ku xanniban bangiyada Qatar.
Beddelkeeda:

•Iiraan waxaa laga doonaya inay oggolaato in Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA) ay booqasho ku tagto goobaha nukliyeerka ee Iiraan.

Kormeerka goobaha nukliyeerka Iiraan ayaa buuxinaya mid ka mid ah dalabaadka ugu waaweyn ee Maraykanka ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

Dhinaca kale,suxufiga u dhashay Iiraan , Abas Aslani ayaa sheegay inta uu socday kulan ay maanta yeesheen taliyaha ciidanka Pakistan, Jen.Asim Munir iyo xoghayaha golaha sare ee amniga qaranka Iiraan, Mohsen Rezaei inay Iiraan ku xaqiijisay in aysan dhulkeeda ka saari doonin xitaa hal atam oo ka mid ah walxaha nukliyeerka ee la tayeeyay.

Wuxuu intaas ku daray inaysan jiri doonin wax wadaxaajood ah ilaa Maraykanku qaado tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida.
Dhankiisa, taliyaha ciidanka Pakistan ayaa ku dhawaaqay in xuduudaha rasmiga ah ee Pakistan iyo Iiraan oo xirnaa tan iyo inta dagaalku socday in dib loo furay laga billaabo maanta

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladdaha Qatar Turkiga Pakistan iyo Indonesia oo Heshiis ku Gaaray Dhismaha Warshado Hub.

Arbaco 21 Oct 2026 {HMC} Dalalka Qatar, Turkiga, Pakistan iyo Indonesia ayaa maanta magaalada Doha ku gaaray heshiis ay ku hirgelinayaan warshado difaac oo...