Maxeey tahay Taageerada uu Trump u muujiyay Netanyahu.?

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Trump ayaa taageero buuxda u muujiyey Netanyahu, ka hor doorashada la qorsheeyey 27-ka Oktoobar.
Trump ayaa taageeradiisa ku lammaaniyey digniin ah in haddii shacabka Israa’iil doortaan hoggaamiye kale, Maraykanku keligiis qaadi doono weerarrada milatari ee ka dhanka ah Iiraan, arrin uu sheegay inuusan jeclayn.

Farriin uu u diray shacabka Israa’iil, Trump wuxuu Netanyahu ku tilmaamay ra’iisul wasaare dagaalyahan weyn,isaga oo sheegay in awoodda milatari iyo dhaqaalaha Iiraan si weyn loo wiiqay. Wuxuu intaas ku daray in haddii Tehran aysan siyaasaddeeda beddelin, uu dhowaan dhammaystiri doonno hawsha.

Trump wuxuu sidoo kale sheegay in haddii Israa’iiliyiintu doortaan qof aan ahayn “Bibi”, oo ah naanaysta Netanyahu, Maraykanku ku khasbanaan doonto inuu isagu hawshaas qabto.

Taageeradan ayaa timid xilli ra’yi-ururinno ay soo bandhigeen warbaahinta Israa’iil ay muujinayaan in xisbiga Likud ee Netanyahu inuu hoos u dhacay oo xisbiga Yashar ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot, oo hore u ahaa madaxa guud ee ciidamada Israa’iil uu ka sareeyo.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...