Isniin 19 Oct 2026 {HMC}Â Wargeyska The Wall Street Journal ayaa maanta ku warramay in Iiraan ay Xuutiyiinta Yemen siisay xog sirdoon, hub iyo tababar milatari oo ka caawiyay weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah Sacuudiga iyo ciidamada dawladda uu Sacuudigu taageero ee Yemen.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Iiraan ay hubka ku gaarsiisay Yemen doonyo kalluumeysi iyo maraakiib quusta, halka duulimaadyada shirkadda Mahan Air ay geeyeen saraakiil, hub iyo qalabka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

