Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo dagaal kula jirto Dowladda Caalamka ay aqoonsan yihiin oo uu sacuudiga Taageero.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Dowladda Iiraan, Saeed Khatibzadeh ayaa yiri; “Waxaan ka walaacsannahay xaaladda Yemen. Waxaa jira yaraansho ba’an oo ku yimid dawooyinka, cuntada iyo baahiyaha aasaasiga ah, taas oo ay sabab u tahay go’doominta ay Boqortooyada Sacuudigu Yemen ku hayso muddo toban sano ah.”
Wuxuu intaa ku daray;

“Waxaan arrintan kala hadalnay walaalaheenna Sacuudiga, waxaanan u caddeynay in ficilkani uusan wax xiriir ah la lahayn mabaadi’da Islaamka. Ma habboona in dal Muslim ah oo deris ah, isla markaana sabool ah, sidan loola dhaqmo oo dhibaato loo geysto.

Waxaan xitaa soo jeedinnay inaan dhexdhexaadinno si dagaalka loo joojiyo, balse ilaa hadda wax jawaab ah kama aannu helin Boqortooyada Sacuudiga.”

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Maxeey tahay Taageerada uu Trump u muujiyay Netanyahu.?

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Trump ayaa taageero buuxda u muujiyey Netanyahu, ka hor doorashada la qorsheeyey 27-ka Oktoobar. Trump ayaa taageeradiisa ku lammaaniyey digniin...