Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga difaaca iyo Amniga..

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz, oo ah Ku-simaha Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca, taageerada Mareykanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dardargelinta wada-shaqeynta labada dhinac ee dhinacyada amniga, tababarka iyo tayeynta awoodda ciidamada.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga milatari iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ciidanka Suudaan oo Burburiyay 50 Gaari oo RSF ah, Shacabka Al-Khuway oo u Dabaaldegay Xoraynta Magaalada

Axad 15 Nov 2026 {HMC} Diyaaradaha dagaalka Suudaan ayaa burburiyay kolonyo gaadiid ciidan ah oo ka koobnayd illaa 50 gaari dagaal, kuwaas oo ay...