Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron issagoo ku eedeeyay inuu ogolaaday in Faransiiska ay soo galaan dadka ka imanaya Dunida sedexaad.
Trump wuxuu yidhi. “Macron, Waxaad Faransiiska ka samaynaysaa khalad weyn, waxaad ogolaaneysaa in qof kasta oo Dunida ka yimaada uu Dalka soo galo, Paris waxay dhawaan noqon doontaa magaalo Muslim ah.”
Donald Trump ayaa marar badan soo bandhigay walwalka uu ka qabo sida Islaamku ugu faafaya magaalooyinka waawayn ee Yurub.

