Talaado 20 Oct 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uusan dooneynin isku dhac iyaga iyo Turkiga, balse wuxuu dib u bilaabay weerarradiisii uu ku qaadayey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, isagoo ku eedeeyay Ankara inay ku dadaalayso inay sii xoojiso xiisadda kala dhaxaysa Israa’iil.
Netanyahu wuxuu Erdoğan ku eedeeyay in uu doonayo inuu soo celiyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, oo mar kale xukumo Qudus.
“Lama joogo qarnigii 16-aad, markii Cusmaaniyiintu ay maamulayeen gobolkan muddo afar qarni ah,” ayuu yiri Netanyahu.
Wuxuu intaas ku daray in Israa’iil aysan fududeysan doonin waxa uu ku tilmaamay “dhidibka Sunniga xagjirka ah oo uu hoggaaminayo Turkiga”.
Wuxuuna ku boorriyay Ankara inay aqoonsato isku dheelitirka awoodda hadda jirta oo ay ka fogaato iska hor imaad ay la gasho Israa’iil.

