Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula hadlay saraakiisha iyo ciidanka Guutada 21-aad, Taliyuhu wuxuu ciidanka kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran, ilaashadaan anshaxa iyo isku-duubnida ciidanka, isla markaana ay joogteeyaan heeganka iyo diyaargarowga ciidan, si loo xaqiijiyo gudashada waajibaadka loo igmaday.
Taliyaha Qaybta 1-aad ee Gorgor, G/le Sare Saahid Jaamac Faarax Jarrare, ayaa soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyuhu wuxuu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaanka, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee ciidanka, xoojinta howlaha loo igmaday, iyo sidii loo horumarin lahaa diyaargarowga iyo hufnaanta ciidanka, iyadoo sidoo kale diiradda la-saaray xoojinta hoggaanka, isku-xirka howlaha iyo taakulaynta ciidanka, si loo xaqiijiyo gudashada waajibaadka qaran iyo xoojinta awoodda hawlgal ee ciidanka.

