Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Muwaadin kaln Xalay saqdhaxe lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ismail Hassan Jehow kaas oo lagu dhax dilay Dukaan uu joogay kadib markii bur cad hubeysaan ay weerareen.
Xalay Saqdii dhexe weerar hubeeysan oo ka dhacay tuulada Matlhabe oo 80km u jirta Magalada Rustenburg ee gobolka north west waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Ismail Hassan Jehow xili uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi.
Lama xaqiijin sababta ka dambeysay weerarka lagu qaaday dukaanleyda Soomaaliyeed ee dhimashada sababay Balse ciidamada booliska oo gaaray dukaanka ayaa la sheegay in ay baarayaan.
Allah ha u naxariisto muwaadinka Soomaaliyeed

