Taliyaha Ciidanka Soomaaliya iyo Howlgalka EUTM oo Ka Shiray Tababarka Ciidanka.

Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas ibarahim Maxamed maxamuud ayaa kulan la qaatay Taliyaha Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-Somalia), Sarreeye Guuto Ivan Falasca.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca tababarka milatariga, horumarinta aqoonta iyo xirfadaha askarta iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo sare u qaadista tayada tababarrada si loo dhiso ciidan qaran oo xirfad leh, diyaarsan, kana jawaabi kara waajibaadka amni ee dalka.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo taageerada lagu horumarinayo tayada, kartida iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

560016

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka saxiixay Baaqa Muqdisho.

Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka saxiixay Baaqa Muqdisho, iyadoo la soo Gabagabeeyay Dib u-eegista Muddada Dhexe. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha...