Arbaco 21 Oct 2026 {HMC} Dalalka Qatar, Turkiga, Pakistan iyo Indonesia ayaa maanta magaalada Doha ku gaaray heshiis ay ku hirgelinayaan warshado difaac oo ay dalalkani doonayaan inay ku soo saaraan hub.
Heshiiskan ayaa dhigaya in afarta dal ay iska kaashadaan khibradda wax-soo-saarka hubka, tiknoolajiyadda iyo dhaqaalaha. Waxay sidoo kale si wadajir ah uga shaqayn doonaan dhismaha warshado soo saara maraakiibta dagaalka, gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo agabka kale ee milatariga, si dalalkani ay u yareeyaan ku tiirsanaanta hubka ay dibadda ka soo iibsadaan.

