Aadan Madoobe iyo Mukhtaar Roobow oo ka Shiray Amniga iyo Nabadaynta Koonfur Galbeed.

Arbaco 21 Oct 2026 {HMC}  Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee siyaasadda iyo amniga deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dadaallada nabadaynta, dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab iyo xoojinta geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo la dardargelinayo dadaallada dib-u-heshiisiinta, midnimada bulshada iyo iskaashiga hay’adaha dowladda.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu falanqeeyay doorka culimada Soomaaliyeed, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka qaadan karaan nabadaynta, wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga fikirka xagjirnimada, si loo helo deegaan ay ka hirgalaan nabad waarta, wada noolaansho iyo horumar.

Kulanka ayaa waxa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Eng Xuseen Xaaji, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladdaha Qatar Turkiga Pakistan iyo Indonesia oo Heshiis ku Gaaray Dhismaha Warshado Hub.

Arbaco 21 Oct 2026 {HMC} Dalalka Qatar, Turkiga, Pakistan iyo Indonesia ayaa maanta magaalada Doha ku gaaray heshiis ay ku hirgelinayaan warshado difaac oo...