Jimco 4 Sep 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay dhacdadii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo beenisay inay wax lug ah ku leedahay wax ay ku sheegtay qaraxyo ka dhacay guri ku yaalla degmada Doolow.
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in xogaha horudhaca ah ee ay heleen hay’adaha amniga ay tilmaamayaan in qaraxyadu ay ka dhasheen walxo qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha guriga.
Dowladdu ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda guriga lahayd, dadka ku sugnaa xilliga ay qaraxyadu dhacayeen iyo ujeeddada laga lahaa walxaha qarxa, iyadoo sheegtay in arrimahaasi ay qayb ka noqon doonaan baaritaanka.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay si degdeg ah u magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan dhammaystiran ku sameeya dhacdada, ujeeddadii laga lahaa iyo cidda ka dambaysay.
“Dowladdu waxay si dhow ula socotaa dhacdada, waxayna mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta xasilloonida Doolow iyo badqabka shacabka,” ayay Wasaaradda Warfaafintu ku sheegtay bayaankeeda.
Doolow ayaa ka mid ah deegaannada muhiimka u ah amniga iyo isku-socodka gobolka Gedo, oo xuduud la wadaaga Itoobiya iyo Kenya, taasoo ka dhigaysa degmada mid istiraatiiji ah marka loo eego amniga iyo dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadaha.
Dowladda Federaalka ayaa dhinaca kale ugu baaqday shacabka iyo warbaahinta in aan la faafin warar aan la xaqiijin, iyadoo sheegtay in wararka hordhaca ah ee ku saabsan dhacdada ay sababi karaan jahawareer iyo marin-habaabin.
Dowladda Federaalka waxay ballanqaadday in natiijada baaritaanka lala wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed marka uu soo dhammaado.


