Xuutiyiinta Yemen oo Weeraray Markab si qarsoodi ah u qaadi jiray Shidaalka Iiraan.

Jimco 21 Augs 2026 {HMC}  Markabka ay shalay Gacanka Cadmeed kula wareegeen kooxo Soomaali ah ayaa hadda la sheegay inuu yahay markab xiriir la leh Iiraan oo si qarsoodi ah u qaadi jiray shidaalka Iiraan ee laga fogeynayo cunaqabateynta reer galbeedka, iyadoo markabkan oo lagu magacaabo SIBU 1 oo ku gooshayay calanka Eritrea, la sheegay inuu shidaal u geyn jiray Xuutiyiinta Yemen, isagoo toddobaadyadii u dambeeyay shidaal geeyay dekedda Ras Ciise ee Yemen oo Xuutiyiintu gacanta ku hayaan, sida uu baahiyay wargeyska New York Times.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay kooxaha Soomaalida inay gacanta ku hayaan markab sida hub oo ku safrayay calanka Cameroon oo afar maalin ka hor ay la wareegeen.

Qabashada markab lala xiriiriyay Iiraan ee kooxo Soomaali ah ay gacanta ku dhigeen, waxay ku soo aadday xilli warbixinno ka soo baxay reer galbeedka iyo dalalka gobolka ay ku eedeynayeen kooxaha Soomaalida ee maraakiibta qafaasha inay xiriir la leeyihiin Xuutiyiinta Yemen iyo inay Iiraan u adeegsanayso cadaadis inay ka dhaliyaan Badda Cas, aragtidaa oo qabashada markabkan ay su’aal gelinayso, maaddama kooxaha Soomaalida ay u howlgalaan hab ka fogeyn istaraatijiyad iyo saameyn dibadda ah, iyagoo keliya inta badan diiradda saara sida ay lacag madax furasho ah u heli lahaayeen.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan.

Axad 20 Sep 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku...