Xuutiyiinta Yemen oo soo riday Diyaarada Aan duuliyaha Laheyn oo uu Leeyahay Sacuudiga.

Axad 26 July 2026 {HMC} Xuutiyiinta Yemen ayaa iyagoo adeegsanaya gantaalka Sacir 358 oo Iiraan soo saarto waxay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Sacuudigu lahaa , taasoo ah nooca uu Turkigu soo saaro ee Akinci, xilli ay ku duulaysay hawada gobolka Al-Jawf ee waqooyi-bari dalka Yemen oo xadduud dheer la wadaaga dhulka Sacuudiga, sida ay caawa soo badhigeen oo telefishinka Ruushka ee RT uu baahiyay.

Yemeniyiinta ayaa iyagoo kabo-la’aan ah , waxay dul tageen burburka gubanaya ee diyaarada Akinci oo qiimaheedu uu ka badan 20 milyan oo doollar.

Horey Xuutiyiinta waxay usoo rideen ku dhawaad 20 diyaaradood oo ah nooca uu Mareykanka soo saaro ee MQ-9 Reaper oo mar looga arkayay Bariga Dhexe diyaarad dilaa ah oo aan laga hortagi karin. Mid kasta oo ka mid ah diyaarada MQ-9 Reaper , waxay qiimo ahaan ka badan tahay 30 milyan oo doolar.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Shimbir ka soo duushay dalka Hungary oo 5,180km kaddib ku dhimatay degaanada Puntland.

Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Shimbir ka mid ah kuwa guur-guura ee u kala goosha qaaradaha Afrika iyo Yurub ayaa ku geeriyootay deegaanka Dhuudo ee...