Xuutiyiinta Yemen oo gantaal ku weerareen markab shidaal oo ay Leedahay Dowladda Sacuudiga.

Isniin 24 Aug 2026 {HMC} Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta sheegay inay gantaal ballistic ah ku weerareen markab shidaal oo Sacuudiga leeyahay oo lagu magacaabo Amzan, xilli uu marayay meel u dhow magaalada Yanbu ee xeebta galbeed ee Sacuudiga. Waxay sheegeen in markabka uu dab qabsaday.

Waxay sidoo kale sheegeen inay weerareen kolonyo iyo fariisimo ciidan oo Sacuudigu ku leeyahay Al-Abr, Al-Wadiah iyo Al-Kanais, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla koonfurta Sacuudiga, gaar ahaan meelaha u dhow xadka Yemen.

Xuutiyiintu waxay sheegteen in weerarrada lagu burburiyay in ka badan 10 gaari oo hub iyo qalab ciidan siday, halka tobannaan askari oo Sacuudiyaan ah, oo ay ku jiraan taliyayaal iyo saraakiil, la dilay ama la dhaawacay.

Laakiin ilaa hadda, sheegashooyinkan Xuutiyiinta si madax-bannaan looma xaqiijin.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo...