Axad 4, Oct 2026 {HMC} Xuutiyiinta oo qabsaday guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka Yemen, Sultan al-Barakani, oo ku yaalla koonfurta magalada Ta’iz.
Waxaa la sheegay in Xuutiyiintu guriga galeen oo ay halkaas fariisin ka sameysteen kadib dagaallo qaraar oo ay la galeen ciidamada dowladda iyo xoogagga deegaanka.
Isla waqtigaas, Xuutiyiintu waxay qabsadeen degmada Al-Safiya, oo ku taalla koonfurta Ta’iz, taas oo saameysay waddada muhiimka ah ee isku xirta Ta’iz iyo Magalada Cadan Sultan al-Barakani waa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Yemen, waxaana uu ku dhashay degmada Al-Maafer ee gobolka Ta’iz.

