Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadayso cid waliba amniga qal qal galineeyso

Qamiis, 11 June 2026 {HMC} Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadayso cidkasta oo isku dayda in ay waxyeesho amniga guud ee deegaannada Puntland.Puntland cultural tours

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Puntland Bile Maxamuud Axmed (Qabowsade) ayaa hadal qoraal oo uu soo saaray ku yiri “Waa khad cas amniga iyo nabadgelyada Puntland oo aan laga gudbi karin, cidkasta oo isku dayda inay waxyeesho amniga guud tallaabo adag ayey dowladda ka qaadaysaa”.

“Qof looga heybaysanayaa ma jirto inay qalalaase iyo amni darro ka shaqeyso ama ka abuurto Puntland” ayuu raaciyay.

Bile Qabowsade wuxuu tilmaamay in aan mucaaradka waxba laga waydiinayn talada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka Puntland annagaa dowlad u ah kuwa banaanka wareegaya wax laga weydiin maayo, maxaa yeellay masuuliyadda naloo dhaariyey, iyadaa nafaraysa in aan ilaalino jiritaanka nabadgalyada iyo nidaamka Puntland ka jira” ayuu yiri Bile Qabowsade.

Hadalka Bile Qabowsade wuxuu ku soo aaday, xilli deegaanada Puntland ay muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayeen ciidamo sheegaya in ay ku biireen Federaalka iyo kuwa gadoodsan, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay ka dambeeyaan mucaaradka xiriirka la leh Villa Somalia.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

DFS oo Diyaarineyso xayiraado dhaqaale iyo socdaal oo ka dhan ah Lafta-gareen

ISNIIN 7, Sep 2026 {HMC} Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsanayaan tallaabooyin dhaqaale iyo kuwo socdaal oo...