Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo magaalada Addis Ababa kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Arbaco 28 Oct 2026 {HMC} Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Addis Ababa Ethiopia, 28-ka Oktoobar 2026, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Xamza Aadan Xaadoow, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda.

Nabadda iyo Amniga Dajire Bankole Adeoye kaddib Kulan ay shir gudoomineysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo looga hadlayay ilaalinta guulaha laga gaaray amniga Soomaaliya.

Xoghayuhu waxa uu Guddoomiyaha la wadaagay warbixin ku saabsan horumarradii ugu dambeeyay ee Dowladda Soomaaliyeed ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, isaga oo sii ambaqaadaya natiijadii ka dhalatay kulanka.

Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay si wadajir ah u sii wadaan mowqifkooda mideysan iyo in cod isku mid ah ku taageeraan ajandaha ay Soomaaliya leedahay, isla markaana Dowladda Soomaaliyeed hoggaaminayso.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 28-10-2026.

Arbaco 28 Oct 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV. HOOS KA DAAWO WARARKII...