Axad 16 Aug 2025 {HMC}Â Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Amb. Gamal Mohamed Hassan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Mudane Wamkele Mene, oo dalka ku yimid booqasho rasmi ah.
Booqashadan oo socon doonta 16–18 Agoosto 2026 ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo ku aaddan ka mid noqoshada iyo ka faa’iidaysiga suuqa ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika.
Inta uu dalka joogo, Xoghayaha Guud wuxuu kulamo la yeelan doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo wada-hadalladu diiradda saari doonaan hirgelinta AfCFTA, fursadaha uu heshiisku u furayo ganacsiyada Soomaaliyeed, iyo sidii Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysan lahayd suuqa qaaradda Afrika.
Booqashadu waxay sidoo kale fursad u tahay Soomaaliya inay sii xoojiso kaalinteeda isdhexgalka dhaqaale ee Afrika, kor u qaaddo ganacsiga iyo maalgashiga, isla markaana u diyaariso ganacsatada Soomaaliyeed fursadaha ka jira suuq ay ku nool yihiin in ka badan 1.4 bilyan oo qof.

