Xildhibaan Farax Macalin oo ka Tirsan Baarlamaanka Kenya oo siweyn u Taageeray Howlgalka ka dhanka ah Mucaaradka ee Muqdisho ka socdo.

Sabti 6, June 2026 {HMC} “Dowladdu waa inay si gaar ah u leedahay awoodda hubka iyo adeegsigiisa. Damaca aan xadidnayn ee kooxaha aan dowliga ahayn ay ku doonayaan inay awood ku qabsadaan rabshado waa in lagu xakameeyaa awood dowladeed oo ka sarreysa.

Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dalalka soo koraya iyo kuwa jilicsan haysta waa hoggaan fulineed oo tabar yar. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa saaran masuuliyadda mideynta Soomaaliya iyo adkeynta hay’adaha dowladda.

Dalalka waxaa inta badan ilaaliya hoggaan awood leh oo mudnaanta siiya xasilloonida, ilaalinta midnimada dhuleed iyo sugidda sharciga iyo kala dambeynta, halkii ay u nuglaan lahaayeen burbur iyo dowlad la’aan. Hoggaamiye-kooxeedyada iyo ku tiirsanaanta maleeshiyaadka waa inaysan meel ku lahayn dowlad casri ah.

Maamul xumo iyo khaladaad dowladeed waa la sixi karaa muddo ka dib, balse qalalaase iyo dagaal sokeeye waxay khatar weyn ku yihiin jiritaanka qaranimada. Maraykanka laftiisa waxaa ka jira dood ku saabsan qaabka maamulka, hase yeeshee mucaaradku hub uma qaataan si ay awoodda ula qabsadaan” ayuu yiri Faarax Macalin oo madaxweyne Xasan Sheekh ku dhiiragaliyay in uu mucaaradka hubka ka dhigo!

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

isniin  21 Sep 2026 {HMC}  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...