Jimco 31 Luulyo 2026 {HMC} Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay oggolaatay heshiis lagu doonayo in si buuxda loo soo afjaro dagaalka Israa’iil ay ka waddo Gaza, kaas oo sababay dhimasho iyo burbur baahsan muddo ku dhow saddex sano.
Heshiiska, oo ay Khamiistii iyo Jimcihii xaqiijiyeen Mareykanka iyo dhexdhexaadiyeyaal kale, ayaa dhigaya in Xamaas ay si tartiib tartiib ah u dhigto hubkeeda una wareejiso, halka Israa’iilna ay ciidamadeeda kala baxeyso Gaza.
Heshiiska waxaa Khamiistii fiidkii ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaddib markii guddiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee Nabadda iyo Xasilinta Caalamiga ah ee Gaza uu sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha Masar, Qatar, Turkiga iyo Mareykanka ay dhammeystireen qorshaha loogu gudbayo wajiga xiga ee xabbad-joojinta.
Heshiis xabbad-joojin ah ayaa la gaaray bishii Oktoobar ee sanadkii hore, balse si buuxda uma joojin dagaalka, inkastoo rabshadaha ay yaraadeen.
Trump ayaa heshiiskan ku tilmaamay “heshiis taariikhi ah oo lagu xaqiijinayo hub ka dhigista buuxda ee Xamaas iyo dhammaan kooxaha hubeysan ee Gaza”, isagoo sheegay inuu yahay “tallaabo weyn oo loo qaaday nabad iyo amni waara.”
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo wejigii koowaad ee xabbad-joojintu uusan si buuxda u hirgelin isla markaana ay jirto kalsooni darro weyn oo u dhexeysa Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, waxaa weli jira shaki badan oo ku saabsan in heshiiskan la fulin doono iyo inuu dhab ahaan soo afjari karo dagaalka.

