Wasiirka Gaashaangiga soomaaliya oo kulan gaar ah Muqdisho kula qaatay Xoghayaha Guud ee IMCTC, iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Axad 23 Aug 2026 {HMC}  Wasiirka Gaashaandhigga, Iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa magaalada Muqdisho kulan is-xogwaraysi iyo casho sharaf ah ugu sameeyay Xoghayaha Guud ee IMCTC, Sareeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, iyadoo laga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Waxaa kulanka ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dhinacyada kala duwan kala wadaagay aragtiyo iyo talooyin ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo la-dagaallanka argagixisada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...