Madax ka socotay Somaliya iyo Jabuuti oo so Gaaray Baladweyne.

Sabati June 27, 2026 {HMC}Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo hoggaaminaya wafdi ka kooban wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ujeeddada booqashada wafdiga ayaa ah ka qeybgalka munaasabadda lagu xusayo sannad-guurada 49-aad ee ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Jabuuti ay xorriyadda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska.

Wafdigu wuxuu si wadajir ah munaasabadda ula dabaaldegayaa ciidamada Jabuuti ee Hiil Walaal, kuwaas oo qeyb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Wafdiga waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Cali Maxamed Xagaa; Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya, Mudane Cismaan Dubbad, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Se

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo gaaray Dalka Shiinaha.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...