Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya,oo booqday Xarunta Tababarka Ciidamada Gaarka ee dalka Urdun.

Khamiis July 16, 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday Xarunta Tababarka Ciidamada Gaarka ah ee Boqor Cabdalla II, KASOTC, ee dalka Urdun.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta xarunta ayaa ka wada hadlay sidii loo ballaarin lahaa fursadaha tababarka Ciidamada Gaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada iyo hawlgallada gaarka ah.

Booqashada ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay hababka casriga ah ee tababarka ciidamada gaarka ah, iyadoo wasiirka iyo wafdigiisu kormeer ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee xarunta iyo goobaha tababarka.

Dowladda Soomaaliya oo sanadkii 2024 soo kordhisay taliska ciidanka gaar ah ayaa hada diirada saaraysa dhismaha ciidankaas oo muhiim u ah amniga dalka iyo la dagaalanka argagixisada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...