Wasiirka Difaaca oo la kulmay Ciidan loo Diyaariyey Dagaalka AS

 Axad 05, Luulyo, 2026 {HMC} ,Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyay Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ka socdaan dadaalo lagu ciribtirayo khawaarijto sidoo kalena ay ka jiraan hormaro dhanka amniga ah.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda xaaladda amniga, qiimeynta howlgalada ka socda deegaannada gobolka, iyo dhiirrigelinta ciidamada XDS ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.
Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, iyagoo warbixinno ka dhageystay xaaladda amni, horumarka howlgalada, iyo baahiyaha jira si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida.

Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan furimaha hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed. See l

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo...