Axad 6, Sep 2026 {HMC} Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, Wafdiga Wasiirka waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiir Ku-xigeenka Safaaradda, Cabdisalaam Suleymaan, kaas oo wafdiga warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Safaaradda, howlaha ay qabato iyo dadaallada ay diblomaasiyiintu ugu adeegayaan danaha qaranka Soomaaliya ee dalka Shiinaha.
Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd kulammo iyo hawlo uu Wasiirku ku leeyahay magaalada Beijing, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo iskaashiga labada dal.

