Sabti 20, June 2026 {HMC}Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha maleeshiyaadkooda ku dagaalamaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka HirShabeelle.
War kasoo baxay Wasaaradda ayaa loogu baaqay maleeshiyaadka hubaysan in shuruud la’aan ay kusoo afjaraan colaadda ka dhex jirta ee sababtay dhimashada, dhaawaca, khasaaraha hanti, barakaca iyo cabsida la xiriirta aanada.
Wasaaraddu waxa ay fariin furan u dirtay cid weliba oo gacan ka gaysan karta xal u helista dagaalladaas in ay kaalinteeda ka qaadato si looga hortago khasaare horleh oo ka dhasha xiisadda labada beel sida hadalka loo dhigay.

