Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay go’aanka ay Mareykanka ugu diidday gelitaanka garsoore Cumar Cartan.

Arbaco, 10 June 2026 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay go’aanka ay Dowladda Mareykanka ugu diidday gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Mudane Cumar Cabdulqaadir Cartan.

Mudane Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo ahaa Garsooraha Sanadka ee CAF 2025, waa shaqsiga ugu guulaha badan dhanka ciyaaraha ee Soomaaliya, isla markaana ah astaan qaran oo ay ummadda Soomaaliyeed ku faanto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaallo diblomaasiyadeed la sameysay hay’adaha ay khusayso si ay u taageerto safarka Mudane Cartan. Nasiib darro, dadaalladaas ma aysan keenin natiijadii la rajeynayay.

Dowladda Soomaaliya waxay si weyn ugu faantaa guulaha iyo waxqabadka Mudane Cartan. Guulihiisu waxay dhiirrigelin u yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed, waxayna caddeynayaan in hibada, dadaalka iyo adkeysigu ay horseedi karaan heer sare oo caalami ah.

Mudane Cartan wuxuu si nabad ah ugu soo laabtay dalkiisa, wuxuuna sii wadi doonaa gudashada waajibaadkiisa qaran iyo kuwa caalamiga ah isaga oo muujinaya isla dadaalka, daacadnimada iyo xirfadda lagu yaqaanay muddadii uu shaqeynayay.

Wasaaraddu waxay sidoo kale u mahadcelineysaa dhammaan dalalka saaxiibka ah, shakhsiyaadka, hay’adaha, ururrada ciyaaraha iyo dadka garab istaagga muujiyay muddadan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadi doontaa wada shaqeynta iyo la tashiga dhinacyada ay arrintani khusayso si loo helo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan, loona ilaaliyo sharafta iyo xuquuqda muwaadiniinteeda.

Ku soo dhawoow dalkaaga, Mudane Cumar Cabdulqaadir Cartan.

Shacabka Soomaaliyeed waxay si buuxda kuula garab taagan yihiin, waxayna kuu dabaaldegayaan guulaha waaweyn ee aad gaartay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...