WAR DEG DEG AH: Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaanka Waabweyn ee Gobolka Hiiraan.

Isniin 13 July 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaanka Waab Weyn ee Gobolka Hiiraan
Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybta 27-aad, ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Waab Weyn ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday fariisimo ay kooxda Khawaarijta gabaad ka dhiganaysay, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen inay soo afjaraan iska caabbintii kooxda, isla markaana si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta deegaanka Waab Weyn.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada dalka.

Ciidanka ayaa weli sii wada howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanka, iyadoo sidoo kale la baacsanayo xubnihii ka firxaday kooxda Khawaarijta.

Warkan ayaa lagu baahiyay Barta Bulshada ay ku leeyihiin Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed qeybtiisa 27 Aad ee Fadhigoodu yahay Magaalada Baladweyne.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...