Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha Kenya oo codsady in la dhimo qiimaha Shidaalka

Axad  14 Juun 2026 {HMC}Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha ee Kenya ayaa sheegay in ay weli Xukuumadda Madaxweyne William Ruto ka sugayaan dhaqangelinta ballanqaadkii ahaa in hoos loo dhigayo qiimaha Shidaalka Dalkaas.

Gaadiidleyda oo horay dibadbaxyo u sameeyay ayaa markii ay la kulmeen ergo ka socotay Madaxtooyada Kenya waxa ay u sheegeen in fariin ay uga sidaan Madaxweyne William Ruto oo la xiriirta hoos u dhigista qiimaha Shidaalka oo sare u kacsan.

Guddi ay leeyihiin Gaadiidleyda ayaa dalbaday kulan ay la qaataan Madaxweynaha Kenya ama ugu yaraan in ay markale arkaan wakiilladii ka socotay Madaxtooyada si loo dhaqangeliyo qiimo dhimista shidaalka oo caqabad ku ah heerka uu haatan joogo.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa horay u sheegay in Dowladdiisa ay qaadayso Tallaabooyin hoos loogu dhigayo cabashada Dadweynaha iyo wadayaasha Gaadiidka ee dhinaca Shidaalka, isaga oo xusay in qiima kororka ay la qabaan Dalal badan.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...