Wadahadalo u dhaxeeyo DF iyo mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo dhex dhexaadinaysa.

Talaado 7 July 2026 {HMC} Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ka furmay wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ku midoobay Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo si weyn isha loogu hayo maadaama ay la xiriiraan mustaqbalka doorashooyinka dalka, khilaafka dastuurka iyo jihada kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kulankan oo la sheegay in aan saxaafadda loo oggolaan doonin ayaa leh weji ka duwan wada-hadalladii hore, iyadoo markan miiska dhexdhexaadinta iyo dammaanad-qaadka ay si toos ah u fadhiyaan dowladda Turkiga, danjireyaal ka socda dalalka reer Galbeedka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

 

Tani waxay muujinaysaa culayska sii kordhaya ee beesha caalamka ay saarayso dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, si xal waara loogu helo hannaanka doorashooyinka, muranka dastuurka iyo xasilinta xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ajandayaasha ugu waaweyn ee shirka ayaa lagu sheegay hannaanka doorashada iyo qaabka loo qabanayo, doodda dastuurka iyo sidii loo maareyn lahaa marxaladda kala-guurka ah ee dalka.

Wada-hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka siyaasadeed uu gaaray heer sare, islamarkaana ay isa soo tarayaan baaqyada gudaha iyo dibadda ee ku aaddan in la helo is-afgarad siyaasadeed oo laga wada qaybgelayo.

Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin maamullada Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta Qaran, ayaa kulankan ku galay awood siyaasadeed oo ka duwan tii hore, kadib markii ay ku guuleysteen in si heer caalami ah loogu aqoonsado dhinac siyaasadeed oo aragtidiisa iyo mowqifkiisa loo arko mid lagama maarmaan u ah go’aannada masiiriga ah ee dalka.

Tani waa arrin muddo dheer ay ka biyo diidday xukuumadda xil-gaarsiinta ee Muqdisho, taas oo ku adkeysanaysay in aan mucaaradka loo aqoonsan dhinac sharciyad siyaasadeed leh.

Doorka Turkiga iyo saaxiibbada reer Galbeedka ayaa loo fasiranayaa fursad cusub oo lagu xaqiijin karo in qodobbada ka soo baxa shirka aysan ku ekaan warqad iyo ballanqaad siyaasadeed oo kaliya, balse ay helaan dammaanad-qaad caalami ah oo cadaadis saaraya fulintooda

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...