Wadahadaladii Iiraan iyo Mareykanka oo Waji kala Yeeshay.

Axad 31, May 2026 {HMC} Trump ayaa Jimcihii la soo dhaafay galay qolka xaaladaha degdegga ah (Situation Room) ee Aqalka Cad si uu u gaaro go’aanka ugu dambeeya ee ku saabsan heshiiska lala galayo Iiraan.

Hadda waxaa soo baxaya faahfaahin cusub oo muujinaysa waxyaabo xiiso leh oo ka dhacay kulankaas.

Trump ayaa la sheegay inuu kaaliyayaashiisa ku amray in isbeddello waaweyn lagu sameeyo qabyo-qoraalka heshiiskii hore loogu heshiiyay, isagoo soo bandhigay shuruudo ka adag kuwii hore si cadaadis dheeraad ah loo saaro Iiraan.

Sidaas darteed, kubbadda ayaa hadda ku jirta garoonka Iiraan, iyadoo la sugayo jawaabteeda cusub.

Ma jirto cid si dhab ah u og waxa ay yihiin shuruudaha cusub ee Trump iyo in ay si toos ah uga hor imanayaan khadadka cas ee Iiraan.

Gaar ahaan iyadoo Iiraan, oo ilaa hadda aan u muuqan inay u dabacsantahay cadaadisyada dibadda, ay hore u aqbashay qabyo-qoraal ka duwan kan hadda la beddelay.

Taariikh ahaan, Iiraan wada-hadallada uma aragto hab lagu soo afjaro khilaafaadka, balse waxay u isticmaashaa inay maareyso oo xakameyso xiisadaha.

Haddaba Iiraan ma ka tanaasuli doontaa hab-dhaqankeedii wada-xaajoodka?

Mise shuruudaha cusub ee Trump ayaa dib ugu celin doona wada-hadallada halkii ay ka bilowdeen, iyadoo mar kale laga soo bilaabayo eber?

Marka laga soo tago xaaladan, wuxuu waxyar ka hor Trump bixiyay faahfaahin yar wax ka beddelka uu ku sameeyay heshiiskii horey loo wadaagay ee la sugayay in la saxiixo. Wuxuu yiri ;“Bilowgii wada-hadallada, Iiraan waxay oggolaatay qodob dhigaya inaysan horumarin doonin hub nukliyeer ah.

Markaas ayaan ku iri: ka warran haddii aad hub nukliyeer ah meel kale ka iibsataan?

Sidaas darteed waxaan wax ka beddelnay qodobkaas, waxaana hadda ku qoray inay ka dhigaan; ‘Ma horumarin doono mana iibsan doono wax hub nukliyeer ah.’

Farqi weyn ayaa u dhexeeya labadaas qodob.

Sidaas ayaan si tartiib tartiib ah ugu gaareynaa waxa aan rabno.” Wuxuu intaa ku daray ; “Wada-hadallada Iiraan waa kuwo adag oo waqti badan qaata, laakiin anigu degdeg iguma jiro.”

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...