VDhul gariir ku dhuftay dalka Venezuela.

Qamiis25.June2026{HMC}Laba dhulgariir oo waaweyn oo ilbiriqsiyo gudahood isku xigay ayaa ku dhuftay caasimadda Venezuela ee Caracas kii hore wuxuu ahaa xooggiisu 7.2, kii labaadna 7.5.

Dhismayaal ayaa dumay iyadoo dadka degganaa ay waddooyinka u soo baxeen, waxaana wasiirka arrimaha gudaha uu dadka ka codsaday inay guryahooda ka baxaan.

Waxaa la filayaa khasaaro naf badan iyo burbur ballaadhan, iyadoo Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Mareykanka (USGS) ay sheegtay in ay jirto fursad 44% ah oo dhimashadu uga badnaan karto 10,000.

 

Venezuela waxay u dabaaldegaysay fasax qaran, waxaana suuragal ah in dad badan ay guryahooda joogeen markii dhulgariirradu dhaceen saacadda 18:04 waqtiga maxalliga ah.

Dhulgariirradu waxay ku dhufteen aagga Montalbán, galbeedka Caracas, waxaana laga dareemay ilaa Bogotá, Colombia.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...