Uk oo taageertay dadaalada lagu soo afjarayo colaada ka dhaxeexso Mareykanka iyo Iran.

Axad  14 Juun 2026 {HMC} Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaare Keir Starmer uu kala hadlay dadaallada lagu soo afjarayo colaadda Iran, xilli uu khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Sida ay wararku sheegayaan, Starmer ayaa soo dhaweeyay horumarka la sameeyay, wuxuuna ku celceliyay in UK ay diyaar u tahay inay taageerto hirgelinta heshiis kasta oo nabadeed, ayna kala shaqeyso saaxiibada caalamka si loo xaqiijiyo guusha.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale isla gartay baahida loo qabo in dib loo soo celiyo xoriyada socdaalka si loo yareeyo cawaaqib xumada dhaqaale ee caalamka.

Warbixin kale, wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Muxamed Isxaaq Daar iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Faysal bin Farxaan ayaa khadka taleefoonka kaga hadlay isfaham dhexmara Mareykanka iyo Iran.

 

Pakistan ayaa dhexdhexaadinaysa xabad joojinta Iran iyo Maraykanka, waxayna dhexdhexaadinaysaa wadahadalo lagu gaaray isfaham nabadeed oo dhexmara labada dal.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo...