Turkiga oo soo saaray waaran lagu xirayo Netanyahu.

Jimco 21 Augs 2026 {HMC} Turkiga ayaa maanta sheegay inuu codsan doono ogeysiis cas oo Interpol ah si loo soo xiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, taas oo qayb ka ah kiis dambiyeed gudaha Turkiga ah oo la xiriira weerar lagu qaaday dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo doonayay inay gargaar bani’aadamnimo gaarsiiyaan Gaza.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u dhaleeceeya duqeymaha iyo howlgallada Israa’iil ee Gaza, waxaana horey uu waaranno gudaha ah uga soo saaray Netanyahu sababo la xiriira dagaalka halkaas ka socda.

Ankara ayaa marar badan ku baaqday in tallaabooyin caalami ah laga qaado Israa’iil, iyadoo ku eedeysay inay ku xadgudubtay xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah. Israa’iil ayaa beenisay eedeymahaas.

Bishii May, ciidamada Israa’iil ayaa rasaas ku furay ugu yaraan laba dooni oo ka tirsanaa Global Sumud Flotilla, kuwaas oo ku sii jeeday Gaza, xilli ay mar kale isku dayayeen inay gargaar gaarsiiyaan dhulkaas, kadib markii Israa’iil ay horey u dhexgashay oo u joojisay howlgallo kale oo ka dhacay biyaha caalamiga ah.

Qoraal uu barta X soo dhigay Wasiirka Caddaaladda Turkiga Akin Gurlek ayaa sheegay in waaranno lagu soo xirayo Netanyahu iyo qof kale oo looga shakisan yahay dambiyo ay ka mid yihiin xasuuq, dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo jirdil, kuwaas oo qayb ka ah kiis ka dhan ah 35 qof oo la xiriira faragelintii Israa’iil ku samaysay doonyaha ku jiray biyaha caalamiga ah.

“Iyadoo la raacayo waarannada lagu soo xirayo Benjamin Netanyahu iyo kuwa kale, wasaaradda caddaaladdu waxay ka codsatay wasaaradda arrimaha gudaha inay soo saarto ogeysiisyo cas oo Interpol ah, si caalamka looga raadiyo,” ayuu yiri Gurlek.

Wuxuu intaas ku daray in Turkigu adeegsan doono dhammaan hababka sharci ee uu heli karo si loo hubiyo in Israa’iil lagula xisaabtamo dambiyada ay ka geysatay Gaza.

Ogeysiiska cas waa codsi loo diro ciidamada booliiska ee dalalka adduunka si ay u helaan qof, isla markaana si ku-meel-gaar ah u xiraan inta laga sugayo in laga go’aamiyo arrinta dhiibistiisa. Interpol ayaa dib u eegta codsiyada ay soo gudbiyaan dalalka xubnaha ka ah, ka hor inta aysan go’aansan inay soo saarto ogeysiis cas.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Puntland oo War ka soo saartay Weerarada ka dhanka ah Burcad badeednimada.

Jimco , 21 August 2026 {HMC} Maamulka Puntland ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada lagu ciribtirayo burcad-badeednimada ka soo cusboonaatay xeebaha Puntland, iyadoo tilmaantay...