Turkiga oo maraakiib kalluumeysi u soo diraayo Soomaaliya.

Arbaco 5 August  2026 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in bilaha soo socda la filayo inay Soomaaliya yimaadaan maraakiib kalluumeysi oo Turki ah, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha badda ee Soomaaliya.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper AktaÅŸ ayaa hadalkan ka sheegay Shirkii ugu horreeyay ee Badaha Soomaaliya (Somalia Maritime Conference), isagoo sheegay in Soomaaliya ay yeelatay astaan muujinaysa dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo kobcinta awooddeeda dhinaca badda.

Wuxuu sheegay in imaatinka maraakiibta kalluumeysiga uu gacan ka geysan doono horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika iyo khayraad badeed oo baaxad leh oo weli fursado badan xambaarsan.

Safiirku wuxuu sidoo kale sheegay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay si weyn isu beddeshay, isagoo xusay in maanta ay suurtagal tahay in Muqdisho lagu qabto shirar caalami ah oo heer sare ah, halka arrintaasi aysan suuragal ahaan jirin 15 ilaa 20 sano ka hor.

Wuxuu intaas ku daray inuu muddo ku dhow laba sano iyo bar ka shaqeynayay Soomaaliya, isla markaana uu muddadaas indhihiisa ku arkay horumarro la taaban karo oo dalka ka dhacay, isagoo muujiyay rajo ah in horumarkaas uu sii socon doono.

Safiirka ayaa sheegay in Turkiga uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in labada dal ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha dhaqaale ee ka jira badda Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...