Turkiga ma ku guuleysan doonaa dhex dhexaadinta Dowladda iyo Mucaaradka.?

Isniin June 8, 2026 {HMC} Turkiga ayaa soo faragaliyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo wada hadallo la yeelaneysa dhinacyada Mucaaradka iyo Dowladda si looga wada hadlo khilaafka taagan.

Wafdi sare oo ka socda Dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Taliye ku xigeenka Sirdoonka dalkaasi ayaa maanta wada hadallo la yeelanaya dhinaca Mucaaradka gaar ahaan xubno ay si gaar isaga soo xuleen.

Xubnaha Mucaaradka ayaa dhankooda laga dhageysanayaa doodooda la xiriirta dhinaca Doorashooyinka iyo arrimaha ay ku diidan yihiin dowladda Federaalka.

Sidoo kale, Wafdigaan dhexdhexaadinta wada ayaa dhageysan doona dhinaca Dowladda Federaalka, iyadoo la qorsheynayo in kulan wada jira ah la isugu keeno Mucaaradka iyo Dowladda.

Kulamadaana uu Turkiga wado ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen isku dhacyo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa taabacsan Mucaaradka.

Xubnaha kale ee Beesha Caalamka sida Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa oggolaaday dhexdhexaadinta Turkiga wado ee lagu soo afjarayo Khilaafka ka taagan arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan.

Axad 20 Sep 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku...