Trump oo weli ka soo muuqan warbaahinta tan iyo markii la shaaciyay Qasaaraha ka soo gaaray Mareykanka Weerarkii Iiraan ku qaaday Joordan.

Axad 19 July 2026 {HMC} Trump ayaan weli si toos ah uga soo muuqan warbaahinta tan iyo markii la shaaciyay qiyaastii 24 saacadood ka hor in laba askari oo Mareykan ah lagu dilay weerar ay Iiraan ku qaaday gudaha Jordan, maalintii Jimcaha.

Trump ayaa saacado badan oo uu ku sugnaa xaruntiisa golf-ka ee gobolka New Jersey, wuxuu waxyar ka hor gaaray magaalada New York, halkaa oo uu uga qaybgalayo ciyaarta kama dambeysta koobka kubadda cagta adduunka.

Si kastaba, wuxuu khadka taleefanka kula hadlay mid ka mid ah warbaahinta, isagoo sheegay in dhacdadani tahay “arrin aad u murugo badan”, wuxuuna intaas ku daray inuu aaminsan yahay in askartaasi ay ku dhinteen iyagoo u adeegaya dalkooda.

Markii ugu dambeysay ee askar Mareykan ah lagu dilo waxay ahayd bilowgii dagaalkan, dhacdadaas waxay u muuqatay inay beddeshay aragtida dadweynaha Mareykanka, iyadoo qaar badan ay bilaabeen inay su’aalo ka keenaan sii socoshada dagaalka.

Sida caadiga ah, Wasaaradda Dagaalka Mareykanka (Pentagon) waxay shaacisaa magacyada askarta dhimatay ka dib marka qoysaskooda si rasmi ah loogu wargeliyo. Pentagon-ka ayaa horay u sheegay in sidoo kale uu jiray hal askari oo la la’yahay, balse ilaa hadda wax war cusub ah lagama soo saarin xaaladdiisa.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli cadaadiska siyaasadeed ee gudaha Mareykanka uu kordhayo, iyadoo khasaaraha ciidamada Mareykanka uu marar badan saameyn ku yeesho taageerada shacabka ee dagaallada dibadda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...