Trump oo si cad uga xanaaqay Netanyahu, iyo Xiisada labada dhinac oo Meel Xun Gaartay.

Axad 14 Juun 2026 {HMC} Donald Trump laga yaabee inuusan si toos ah u sheegin, laakiin waxaa muuqata inuu aad uga caraysan yahay Benjamin Netanyahu.

Qoraalkii Trump ee baraha bulshada ayaa si dadban u muujiyay in uu u arkay weerarkii Israa’iil ku qaaday Beirut inuu ahaa jawaab aad uga badan weerarkii uu ku tilmaamay “mid aad u yar oo aan macno lahayn” ee ay Hezbollah fulisay, kaas oo carqaladeeyay geeddi-socodkii nabadda “maalin gaar ah.”

Inkastoo Donald Trump uusan si cad u sheegin waxa maalintaas ka dhigaya “maalin gaar ah,” haddana waxaa suurtagal ahayd in heshiis nabadeed oo lala galo Iiraan lagu saxiixo maalinta dhalashadiisa.

Rajadaas hadda waxay u muuqataa mid aad u sii yaraanaysa. Waxaase arrintan sii adkaynaya in Trump marar badan uu tilmaamay heerka saamaynta uu ku leeyahay xiriirka uu la leeyahay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

“Haddii aan Netanyahu wax ku idhaahdo ha sameeyo, wuu sameeyaa,” ayuu Trump u sheegay BBC toddobaadkii hore.

Hadda, xaqiiqda ah in xulafadiisu ay go’aansatay inay weerar qaaddo iyadoo og saamaynta ay duqeymahaasi ku yeelan karaan, isla maalintii uu madaxweynuhu saadaaliyay in heshiis la gaadhi doono, waxay sii kordhin kartaa xiisadda horeba uga dhex jirtay labada hoggaamiye.

Xigasho BBC 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya oo Booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Talaado 22 Sep 2026 {HMC} Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayey U-qeybsanaha...